Taariikh Nololeedkii Madaxweyne (2025)

Taariikh Nololeedkii Madaxweyne C/Raxmaan Axmed Cali Raximahu Laah

Taariikh Nololeedkii Madaxweyne (1)


C/Raxmaan Axmed Cali waxa uu ahaa wiil uu dhalay aabo si weyn looga yaqaan Somaliland,waxaanay walaalo ahaayeen aabihii aqoonta ee Somaliland iyo guud ahaan geyigaSoomaaliyeed-ba Maxamuud Axmed Cali,Cabdiraxman Axmed Cali oo loo yaqaaney Cabdiraxman Tuur ahaana siyaasi weyn oo Soomaaliyeed,jagooyin badanna ka soo qabtey Soomaaliya iyo Somalilandba ayaa bishii November 8dii 2003 ku geeriyoodey magaalada London.

Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) wuxuu ku dhashay miyiga hawdka magaalada Burco,gobolkaTogdheer sannadkii

1927-kii.

Walaalkii Maxamuud Axmed Cali oo ahaa aabihii waxbarashada Soomaaliyeed ayaa Cabdiraxmaan ka soo kaxeeyay miyiga oo ku daray dugsiga, iyagoo isku fasal noqday rag kale oo uu ugu magac dheeraa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.Cali Qaadi Maxamed Xaashi iyo rag kaloo aanan
halkan ku koobi karin.


Waxbarashadiisa waxa uu ka bilaabay magaalada Berbera, sannadkii1939-1943-kii, halkaas oouu ka bilaabay dugsi gaar ah.1943-1947kii ayuu Cabdiraxman ku biirey dugsiga caanka ah ee sheekh. Wuxuu ahaa CabdiraxmaanAxmed Cali arday ku fiican waxbarashada iyo ispoortigaba oo marnaba aan laga qaadi jirinkaalinta kowaad.

Cabdiraxmaan Axmed Cali alla ha u naxariistee markii uu dhammeystay waxbarashadiisii dugsigadhexe ee sheekh.

Janaury 1947-kii waxa loo direy Isaga, Axmed Keyse, Mohamed Ali Magan, dugsi waxbarasho kuuyaala dalka Sudan, halkaas oo ay ku dhamaysteen waxbarashadii dugsiga sare, waxaanay dalkaku soo noqdeen 1952-kii. 1952-1953-kii waxa magacaabay in maamulka loo tababaro magaalada Hargey.

C/raxmaan Wuxuu

1953-1956-kii diploma sare oo ah cilmiga maamulka ku soo qaatay jaamicadda la yidhaahdo EXETER UNIVERSITY ee dalka Britain.Kadibna Somaliland ayuu Cabdiraxmaan ku soo laabtay.


1956-1958-kii wuxuuna noqday kaaliyaha DC-ga Boorama oo ahayd shaqadiisii ugu horreysay ,1959-1960kii waxa loo magacaabay gudoomiyaha degmada Hargeysa.

Sanooyinkii

1961-1963kii wuxuu noqdey Guddoomiyaha Gobolka woqooyi Bari ee magaalo madaxda ayu ahayd Burco ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya. Sanadkii1964kii wuxuu kaloo noqday GuddoomiyahaGobolkii Woqooyi Galbeed ee Hargeysa ay magaalo madaxda u ahayd ee Jaamhuuriyaddii Soomaaliya,kana koobnaa waagaas iyadoo isla sannadkaasi uu noqday Safiirkii Soomaaliya ee Sudan oo loona beddelay Khartuum,

Sanadkii

1968kii Cabdiraxmaan Axmed Cali wuxuu ka qayb galay doorashadii baarlamaanka ee Soomaaliya isagoo furtay xisbi oo iska soo sharaxay magaalada Burco, laakiin kumuu soo bixin doorashadii.

Cabdiraxmaan wuxuu mar kale ku noqday shaqadiisii Safiirnnimada isagoo mudadii u dhaxeysay

1969kii ilaa iyo 1977kii uu ahaa safiirka Soomaaliya ee Addis-ababa ee dalka Ethiopia .Sanadkii 1978kii wuxuu kaloo noqday safiirkii Soomaaliya ee Barlin ee Jarmalkii Bari, isagoo halkaasisifiir ka ahaa 1978-1983kii markii danbena noqday Danjiraha Somaliya ee Imaaraadka Carabta 1983-1984kii,xilligaasi oo uu ka goostay dawladdii Siyaad Bare kuna biiray Jabhaddii SNM.

Cabdiraxmaan Tuur isla sannadkaasi

1984kii wuxuu noqday wakiilka SNM ee Yurub oo fadhigiisuna ahaa London. April 1990kii waxaa loo doortay Cabdiraxmaan Axmed Cali Guddoomiyaha SNM isagoo xilka kala wareegay Axmed Siilaanyo.

May 1991kii waxaa Cabdiraxmaan Tuur loogu doortay shirweynihii beelaha Somaliland ee Burco ee lagaga dhawaaqay goonni isu taagga Somaliland inuu ahaado madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda loo bixiyay Somaliland muddo labo sano ah.

Shantii May

1993kii shirweynihii kale ee beelaha Somaliland ee lagu qabtay Boorama waxaa Cabdiraxmaan Tuur uu xilkii ku wareejiyay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo shirku u doortay madaxweynaha Somaliland.April 1994kii Cabdiraxmaan Axmed Cali wuxuu ku dhawaaqay isagoo markaa ahaa guddoomiyaha SNM inuu ka noqday mowqifkii goonni isutaagga Somaliland oo uu aaminsan yahay nidaamka Federaalka oo ay ku midoobaan woqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya .

Wuxuu noqday Cabdiraxmaan Tuur waqtigaasi ka dib madaxweyne ku-xigeenkii kowaad ee dawladdii Salballaadh ee uu Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Waqtigaasi wixii ka danbeeyay wuxuu marxuumku u badnaa magaalooyinka Muqdisho iyo London, hase ahaatee wuxuu Hargeysa yimid bishii April ee sannadkan

2003,isaga oo cadeeyey in uu siyaada faraha ka qaato sheegayna in uu dalkiisa doonayo in uu ku nasto Alle ha u naxariistee C/raxmaan waxa uu cadeeyey in uu dadkiisa iyo dalkiisaba la shaqayndoono isaga oon siyaasad, markaasoo uu u ololeeyay sidii uu u soo bixi lahaa doorashadii socotay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ka sharaxnaa xisbiga UDUB, kadibna wuxuu ku laabtay magaalada London oo uu ku geeriyooday 8dii November 2003.

Sida uu Maxamed Kaahin noo cadeeyey isaga oo ah 5 Mujaahid ee ugu horeeyey ee garab milatari unatalaaba Ethopia ahna ka kaliya ee maanta ka nool Mujaahid Maxamed kaahin oo in badan ay soo wada shaqeeyeen waxa uu sheegay in uu ahaa nin Bulshaawi ah go`aankiisunaadagyahay.

waxaa isna hadaladaasi qaar la mida noo sheegay Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud silanyo oo ahaaGudoomiyihii uu kala wareegay Xilka SNM sanaddii 1990 Marxuum C/raxmaan Axmed Maxamed oo ah GudoomiyahaXisbiga Kulmiye ee haatan waxa uu noo sheegay in C/raxmaan ahaa nin la tix galiyo hadalkiisa islamarkaana Afgaaban isagana Saaxibtino wadaagi jireen isaga oo sheegay in C/raxmaan markii danbe ka mowqif noqday somaliland laakiin waa nin Ixtiraam mutaystay taariikhna ku leh dalkan ilaahayna ha u naxriistoSamir iyo iimaanna ha inaga siiyo ayuu hadaladiisa ku soo gunaanaday Axmed Silanyo


Alla ha u naxariistee maydka marxuumka waxaa la keenay magaalada Hargeysa 13ka November 2003 oo si heer qaran ah loogu aasi doono sida uu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda somaliland.

Tacsi wada jira Waxaa halkan
Marxuumka Eheladiisii iyo Qaraabadiisii uga diraya

Jaaliyaddaha Sweden Finland

Gud. Golaha wakiiladda. Mud. C/qaadir X. Ismaaciil Jirde

Gud. Xisbiga Kulmiye Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo)

Gud. Xisbiga Ucid Mud. Faysal Cali Warabaabe

Wakiilka u fadhiya Somaliland Sweden Mud. Hussein Wadaadyare

Ururka Somalilandforum ee Qurba Joogtadu ku bahawday

Iyo Annagoo ah Dhammaan Shaqaalala Halganews

Marxuumka ilaahay Janadii ha ka waraabiyo Aamin


Source: Halganews

Taariikh Nololeedkii Madaxweyne (2025)
Top Articles
Latest Posts
Recommended Articles
Article information

Author: Duane Harber

Last Updated:

Views: 5486

Rating: 4 / 5 (51 voted)

Reviews: 90% of readers found this page helpful

Author information

Name: Duane Harber

Birthday: 1999-10-17

Address: Apt. 404 9899 Magnolia Roads, Port Royceville, ID 78186

Phone: +186911129794335

Job: Human Hospitality Planner

Hobby: Listening to music, Orienteering, Knapping, Dance, Mountain biking, Fishing, Pottery

Introduction: My name is Duane Harber, I am a modern, clever, handsome, fair, agreeable, inexpensive, beautiful person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.